Maxay yihiin eedaha Finland ay u jeedisay xukuumadda Ruushka

Finland ayaa ku eedaysay Ruushka in uu ku xad-gudbay muhaajiriinta ka imaanaya Bariga Dhexe iyo Afrika, kaddib markii ay go’aansadeen in ay kordhiyaan iskaashiga dhanka difaaca ee ay la leeyihiin Mareykanka, eedeymahaas oo ay xukuumadda Moscow beenisay.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ciidamada ilaalada xuduudaha ee dalka Finland todobaadkan ayaa gaaray 300 oo tahriibayaal ah oo ka kala yimid dalalka Ciraaq, Yemen, Soomaaliya iyo Suuriya. Dadka soo galay dalka Finland ayaa ku qasbay Finland in ay dhufeysyo ka dhisto xuduudka ay la wadaagto Ruushka si ay uga joojiso dadka soogalootiga ah ee si xor ah u soo galaya dalkaasi.

Muhaajiriinta oo intooda badan ka kala yimid Bariga Dhexe iyo Afrika ayaa yimid dalka Waqooyiga Yurub iyaga oo aan haysan dukumeenti sax ah, waxaana ay magangelyo weydiisteen ka dib markii lagu eedeeyay in mas’uuliyiinta Ruushka ay ku caawiyeen inay u safraan aagga xudduudda ee sida aadka ah loo maamulo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed