Maxay tahay ujeedada safarka madaxweyaha Soomaaliya ee Turkiga?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sii jeeda dalka Turkiga halkaasi oo uu kaga qayb galayo caleemo saarka madaxweyne Rejeb Dayib Erdogan oo dhawaan ku guulaystay doorashadii madaxweynimo ee dalkaasi ka dhacday.

Ilo wareed ku dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan uu maanta u sodcaali doonl magaalada Ankara, iyadoo lagu wado in ka dib xaflada caleemo saarka uu kulan gaar ah la qaato Madaxweyne Erdogan ayna isla qaadaa dhigi doonaan xoojinta xiriirka labada dalka, horumarinta iskaashiga Soomaaliya & Turkiga ee dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha & ganacsiga.

Turkiga ayaa kaalin weyn kaga jira hannaanka dib u soo kabashada Soomaaliya isagoo ka taageera Soomaaliya dhanka ammaanka iyo arrimaha bulshada.

HBN News Desk

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed