Maxay tahay shixnada Dowladda Rwanda u dirtay marinka Qaza oo wajaheysa xaalad adag

Dowladda Rwanda ayaa sheegtay inay gargaar bini’aadantinimo u dirtay shacabka Falastiiniyiinta ee ku sugan Qaza, ku xigeenka afhayeenka dowladda, Alain Mukuralinda, ayaa sheegay in deeqdan ay u soo direen hay’adda samafalka ee Jordan Hashemite Charity Organisation (JHCO) ayna soo gaartay caasimadda Jordan ee Cammaan.

Deeqdan ayaa ka kooban 16 tan oo cunto, iyo dawooyin isugu jira, isagoo intaas ku daray, bayaanka ayaa lagu yiri” Rwanda waxay ku celinaysaa baahida loo qabo in la qaboojiyo dagaalka si loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan”.

Rwanda waxa ay ka mid tahay wadamada qaarada ee xiriirka dhaw la leh Israel. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa booqday Rwanda sannadkii 2016-kii.

Dalal badan oo caalamka ku yaal ay sahay gargaar ah u diray Marinka Qaza, balse dalalka ka soo jeeda Afrika ayaa aad u yar marka la eego dalalka bariga dhexe oo ay daris yihiin.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed