Maxay tahay sababta uu u baaqday fadhigii Golaha Shacabka ee maanta iyo jawaab laga bixiyay

Kulan ay maanta lahaayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soonmaaliya ayaa mar kale u baaqday kooram la’aan, sida uu faah faahin ka bixiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo sheegay in fadhiga maanta uu baaqday.

Xildhibaannada maanta soo xaadiray ayaa ahaay kuwa tiro yar, taas oo keentay in ay buuxin waayaan  tirada looga talagalay kooramka, xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la hadlay mudanayaasha soo xadiray ayaa sheegay in fadhigii maanta uu u baaqday kooram la,aan, asiga oo afriin u diray Xildhibaannadii maqnaay in ay soo xaadiraan kala fadhiyada Baarlaamnka.

Guddoomiyaa Golaha Shacab Sheekh Aadan Madoobe ayaa yiri: “Xildhibaannada sharafta leh ee maanta waqtigooda yimid kooram la’aan daraateed ayaan shirka dib ugu dhiganeenaa, fadhigeena maanta waa uu innoo xiran yahay, waxa aan rajeeneynaa maalmaha soo socda in uu kooramka noo buuxsama, Xildhibaannada shaqada ku maqan in fadhigaan fadhiga ku xiga ay na soo gaaraan,”.

Ma ahan markii ugu horreysay ee fadhiyada Golaha Shacabka Soomaaliya ay u baaqdaan kooram la’aan, dhowr jeer oo hore sidaan ayaa dhacday, taas oo keentay in Xildhibaannada maqnaay magacyadooda laga hor akhriyo warbaahinta.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed