Maxay tahay sababta uu isku casilay Wasiirka Gaashaandhigg ee Somaliland

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkii wasiirnimo, kadib markii uu ka soo horjeestay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka oo waraysi gaar ah siiyay TV-ga Horyaal ayaa waxa uu yiri “Anigu waxaan isku casilay in madaxwaynuhu 20 KM oo baddeena ka mid ah uu siinayo Itoobiya, aniguna  fikirkayga waan ka soo horjeedaa, mar haddii aanu Itoobiya hore dhul uga waynay, cadowga koowaad ee Soomaaliya waa Itoobiya. Kan yar iyo kan weynba wuu yaqaan.

Waxa uu sheegay in maanta ay la kulmeen Madaxweynaha, isla markaana uu u sheegay in uusan ku habooneyn in Ciidamada Itoobiya ay yimaadaan Somaliland.

Waxa uu sheegay in dhulka Lughaya ee saldhiga Itoobiya laga dhisayo ay beeshiisa deegaan ahaan leedahay, isla markaana uu ka fikirayo nabada Itoobiya ee Somaliland, taasna uu madaxweynuhu ku gacan sayray.

Wasiirka ayaa sidoo kale shaki galiyay kirada badda isagoo sheegay in Abiy Axmed uu doonayo inuu badda qaato balse uusan dooneyn inuu kireeysto, taas beddelkeeda uu rabo in badda  uu yeesho, sida uu xusay.

Heshiiskan ayaa Somaliland ka dhaliyey mudaharaadyo ay qaar taageersan yihiin qaarna ka soo horjeedaan.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u diiday heshiiska labada dhinac, iyadoo ku tilmaantay mid xadgudub ku ah madax banaanida Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed