Maxay tahay sababta Madaxweynaha Kenya ku sheegay in ciidamada dalkiisu sii joogi doonaan Soomaaliya

Madaxweyne William Ruto ayaa tilmaamay in ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya laga yaabo in ay sii joogaan marka la eego dhimista  Ciidanka ATMIS Kuwaas oo la bilaabay in la dhimo, sannadkaan 2023 Qaraarkii Qaramada Midoobay.

Ruto ayaa sheegay in dalalka safka hore kaga jira dagaalka A-shabaab ee Kenya, Uganda, iyo Itoobiya ay go’aansadeen in ay ku sii socdaan muddada loo qabtay si aysan u lumin guulaha laga gaaray A-shabaab muddooyinkii dambe.

Wuxuu sheegay in kooxda  Al-Shabaab ay isku dayeyso in ay dib isu soo celiso weeraradii joogtada ahaay  ka dib markii ay bilaabatay ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika Soomaaliya ee ATMIS si ay u abuuraan fikrad ah in ay la wareegaan goobaha laga saaray Ciidankooda iyo kuwa kale ee taageera Soomaaliya.

Ruto ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Telefishinka France 24, waxa uuna wacad ku maray inay ka hortagi doonaan weerarada Al-shabaab ay fuliyaan, diyaarna u yihiin Ciidankooda in ay difaac adag iyo dagaal la galaaan koooxda.

“Caqabadda al-Shabaab waa inaan ka hortagnaa. Waxaan damacsannahay oo aan haysanaa fursad kasta oo aan kaga adkaanno al-Shabaab,” ayuu yiri Ruto.

A-shabaab  ayaa kordhisay weerarada ay ka geysaneyso dalka Kenya, iyadoo ay dib u soo cusboonaatay taasi oo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof bishii la soo dhaafay oo kaliya meel u dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya.

ATMIS ayaa bilaawday in ay dhinto  ciidamada iyadoo laga cabsi qabo in kooxda Al-shabaab ay la wareegto qaar ka mid ah meelaha ay baneeyeen, oo lagu wado in lagu wareejiyo Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dhimista ilaa 2,000 oo askari bilaabatay iyadoo la raacayo go’aamadii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo lagu sheegay in labo Saldhig olagu wareejiyay Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Qaraarka ayaa amraya in ATMIS ay dhuinto  2000 oo askari dhamaadka bisha June 2023. Tani waxay sare u qaaday cabsida iyadoo ay kordheen weerarada Al-shabaab ka geysanayaan deegaanno dhowr.

Si kastaba, Madaxweynaha Kenya ayaa ku adkeysanaya in Ciimadiisa ay sii joogi doonaan Soomaaliya, si ay dagaal ula galaan Ururka Al-shabaab oo weeraro aan loo meel dayin ka fuliya xadka Soomaaliya iyo Kenya, Ruto ayaa aaminsan haddii ay ka baxaan Soomaaliya, in khatar xooggan ay la kulmi karaan oo dhanka ammaanka ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed