Maxay tahay sababta hay’ada MSF u joojisay adeeggii caafimaad ee Laascaanood?

Hey’adda Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa qaadatay go’aan adag oo ay uga laabatay adeegyadii ay ka haysay isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, sababo la xiriira is-bedbeddelka sii kordhaya iyo shilalka amniga ee soo noqnoqday oo saameeyn ku yeeshay bixinta daryeel caafimaad oo ammaan ah.

MSf ayaa sheegtay in Weerarada joogtada ah ee xarumaha caafimaadka iyo heerka rabshadaha ba’an ee Laascaanood ee gaaray heer ay MSF awoodi wayso inay bixiso daryeel caafimaad. Ilaalinta iyo badbaadada bukaanada, iyo shaqaalaha caafimaadka ma heystaan  dammaanad buuxo oo dhanka ammaanka ah.

MSF ayaa xustay in Dhacdadii ugu dambeysay ee 8-dii Luulyo,  lagu weeraray Isbitaalka guud ee Magaalada Laascaanood, waxaana dagaalkaasi uu sababay dhaawacyo soo gaaray shaqaalaha caafimaadka iyo bukaannada.

Dagaalka ayaa sidoo kale lagu burburiyay Gaari Ambalaasta ah, taasina waxaa ay sababtay in la xiro qeybta hooyada iyo dhallaanka ee Isbitaalka.

Waa dhacdadii shanaad tan iyo markii ay rabshadaha ay sii kordheen  6-dii bishii February ee sanadkan. Rabshadihii hore ee Laascaanood ka dhacay ayaa sidoo kale waxaa ku naf waayey shaqaale caafimaad iyo dad iskaa wax u qabso ah oo taakuleynayey dadka ku dhaawacmay dagaalka.

Afartankii sano ee la soo dhaafay, MSF waxa ay wax ka qabatay xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka bini’aadantinimo iyo nafaqo-xumada ee soo noqnoqday ee bulshooyinka Soomaaliyeed. Sida ay sheegtay hey,addu.

MSF waxa ay ku andacoonaysaa  in aysan helin xoriyad buuxda oo aan laga hor istaagin gudashada shaqadeeda ku aadan daryeelka bukaannada isbitaalka Laascaanood iyo guud ahaan dadka u baahan gargaarka.

Hadalkaan ka soo baxay hey’adda MSF ayaa ku soo beegmaya iyada oo taniyo bishii labaad ee sannadkaan magaalada Laascaanood ay ku dagaallamayaan Ciidanka Millatariga Somaliland iyo kuwa deegaanka SSC-khaatumo.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed