Maxay Kawada Hadleen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga.

Madaxweynaha  Dowladsa  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud kulan la yeeshay  Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni, kulan hordhac u ah shirka saddex-geesoodka  dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya, kaas oo ka dhacaya dalka Itoobiya.

kullaankaan ayaa daarnaa  hannaanka dowladda ee dagaalka Al shabaab, Nabad-galyadaa Gobolka guud ahaan iyo Xasilloonida Soomaaliya, sidoo kale xiriirka iyo danaha labada dal ayaa la soo hadal qaaday intii kullanka uu socday.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in guulo wax ku ool ah laga gaaray wajiga koowaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo Al shabaab, dhawaanna uu bilaabanayo howl-gal wadajir ah oo ay ka qeyb-qaadanayaan dalalka safka hore ee dariska la ah Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan kulan Seddex maalin socday ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Dhankeeda, Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga  ayaa dowladda  ku bogaadisay tallaabooyinka muuqda iyo guulaha Ciidanka dowladaa ay ka gareen Al shabaab, iyada uu hoosta ka xariiqday soona bandhigtay in marwalbe ah heegan u yihiin in ay dowladda Soomaaliya siiyaan taageero dhan walbe ah.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed