Maxay Kawada Hadleen Madaxweynah Soomaaliya iyo Amiirka Dalka Qatar

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku joogo dalka Qatar ayaa kulan la yeeshay madaxda dalkaas, kulan ayaa diiradda lagu soo saaray xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa kulankooda diirradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen labada dal, taas oo kor loogu qaadayo  adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo hadal qaaday dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto Al Shaabab, Amiirka dalka Qatar ayaa sheegay muhiimada ay leedahay dagaalka Al shabaab looga xorreynayo guud ahaan Soomaaliya.

Waxaa uu intaas ku daray in uu boggaadinaayo  daddallada ay ku bixineyso dowladdu in ay lagama maarmaan u tahay Nabadda iyo Xasiloonida.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed