Maxay ka wada hadleen taliyaasha ciidamada Soomaaliya iyo Uganda kulan muhiim ah oo ka dhacay Kampala

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxuyidiin ayaa magaalada Kampala kula kulmay dhiggiisa dalka Uganda Gen. Wilson Mbadi. Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Taliyayaasha, kulanku wuxuu ujeedkiisu ahaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga milateri ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan la dagaallanka khatarta maleeshiyada Al-Shabaab.

Intii lagu guda jiray doodaha xasaasiga ah,  General Ibrahim Sheikh Muhuyidin iyo Gen. Wilson Mbadi waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay dadaallada wadajirka ah ee wax looga qabanayo caqabadaha amniga gobolka. Labada hoggaamiye waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in la wanaajiyo” howlgallada wadajirka ah iyo wadaagista xogta sirta ah si si wax ku ool ah looga hortago dhaqdhaqaaqyada  Al-Shabaab.

Dowladda Uganda ayaa mar kale xaqiijisay in ay taageereyso ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo dagaal kula jira Al-Shabaab. Uganda oo ballan qaaday in ay ka caawin doonto Soomaaliya wejiyada soo socda ee iskahorimaadka, ayaa ballan qaaday in ay garab istaagi doonto Soomaaliya sidii looga ciribtiri lahaa khatarta Al-Shabaab ee gobolka.

Taliye Ibraahim Sheekh Muxuyidiin iyo Gen. Wilson Mbadi ayaa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in la qaado tallaabo isku xiran iyo wadajirka saxiibada gobolka si looga hortago khatarta Al-Shabaab si guud. Kulanka ayaa lagu muujiyay doorka Uganda oo ah mid ka mid ah dalalka ugu muhiimsan ee ciidamada ku deeqay ATMIS-ka, iyo sida ay uga go’an tahay inay taageerto dadaallada amniga Soomaaliya.

Marka laga soo tago wada xaajoodyada ku saabsan iskaashiga ciidamada, Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxuyidiin ayaa sidoo kale booqday kulliyadda difaaca qaranka Uganda, halkaasoo uu kulamo kula qaatay saraakiisha ciidamada. Booqashadan ayaa ujeedkeedu ahaa sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda, gaar ahaan dhanka iskaashiga difaaca iyo amniga.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed