Maxay ka wada hadleen madaxda Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada ee magaalada Istanbul kula kulmay dhiggiisa dalkaas Mudane Recep Tayyip Erdoğan, waxaana madaxdu ay ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo horumarrada caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiggiisa uga warbixiyay guulihii ay ka gaareen goobihii ay ka xoreeyeen  Al shabaab ciidammada Xoogga dalkoo gacan ka helaya maleeshiyaadka  deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah.

Madaxweynaha Turkiga ayaa bogaadiyay sida uu u socdo dagaalka lagula jiro  Al-Shabaab iyo sida dadka deegaanka ay ugu diyaar garoobeen ciribtirka wax uu ku sheegay dhibaatooyinka argagixisada.

Labada mas’uul ayaa isku afgartay in la dardargeliyo iskaashiga iyo ka qeyb qaadashada Turkiga ee ka caawinta dagaalka lagula jiro dagaalyahannada kooxda Al shabaab.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed