Maxadweynaha Somaliland oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Golaha Wasiirrada  Somaliland ayaa maanta kulan looga hadlayay arrimo kala duwan ku yeeshay magalaada Hargeysa ee Caasimadda, waxana lagu soo hadal qaaday madasha arrimaha dooraashada oo buuq xooggan uu ka taagan yahay.

Madaxweyne Muuse  Biixi Cabdi ayaa kulankaan shir guddoomiyay waxa war-bixin guud oo ku saabsan  amniga oo uu  goluhu kaga dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu  lafo-guray doorashooyinka Somaliland  ku soo fool leh iyo sidii Xisbiga Kulmiye ugu diyaar-garoobi lahaa u tartamidda ka mid noqoshada saddexda Xisbi  ee loog baahan yahay in ay usoo baxaan doorashada ee tobanka Sanno ee soo socda iyo u diyaar garowga shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye u qorshaysan 20-Augst-2023 inuu ka qabsoomo Magaalada Burco.

Ugu danbayn waxa goluhu Dood iyo falanqayn qaadatay laba fadhi ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Qabyo-qoraalka Xeerka Ilaalinta Xogta Elektarooniga ah (Data Protection ACT), iyadoo loo gudbin doono Golayaasha Sharci-dejinta si ay uga gutaan Shaqadooda Dastuuriga ah.

Kullankaan lagu soo hadal qaaday u diyaar garoowga arrimaha doorashada Somaliland ayaa wajahaya mucaarad xooggan oo diidan hannaanka ay guddiga doorashadu u mareen jadwalka doorashooyinka.

HBN NEWS DESK.

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed