Maxaa Xukuumadda Loo Dhisi La’yahay?

Dowlad wanaagsan iyo dadka loo xulayo ma aha howl sahalan. Sidaa darteed, la yaab ma laha haddii uu dib u dhac ku yimid waqtigii ay aheyd in xukuumad dalka loo dhiso. Wadotashi, xog ogaalinimo iyo xuuraansi badan baa loo baahan yahay.

Waxaa waajib ah in la fahmo waxa looga jeedo dowlad wanaagsan oo dadkeeda u qaban karta adeegyada loo igmaday. Ma sahalana howshu. Hadda waxaa joogaa xiligii ay aheyd in runta lagu dhaqaaqo oo la dhiso xukuunad tayo leh.

Xukuumadda la dhisayo waxaa waajib ah in dadka waxtarka dalkan u leh ay ka wada qeybqaataan iyadoo loo baahan yahay aqoon, waayo aragnimo iyo xirfad.
Cid walba oo dalkan horumar iyo wanaag ku kordhin kara waa in xukuumadda laga qeyb galiyo. Dowlad waxtar ah ciyaar ciyaar kuma timaado, waa muhiim dadka xukuumadda ka tirsan ee loo qaateekja ah.

Waxaa intaa dheer, xumuumadda cusub waxaa laga rabaa in ay ilaaliso qaanuunka iyo dastuurka dadku ku heshiiyeen, cid walbana waa in ay qaanuunka dhowrto.

Gaar ahaa dadka mas’uuliyadda loo dhiibayo si aysan ugu tagrifalin mansabka iyo kharashka dowladda oo uu jiraa qaanuun lagu la xisaabto haddii uu qof ama koox dabi lagu helo.

Sidoo kale, dadka la xukumayo waxaa waajib ah in ay kalsooni ku qabaan madaxdooda si wax qabad wanaagsan loogu qabto dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Shacab waxaa looga baahan yahay in ay ilaaliyaan, ilaashadaanna qaanuunka oo ah wax kaliya oo ay dowlad casri ah ku shaqeyn karto. Howshana dalkana waa in gaar ahaa xukuumaddu u qabtaa si daah furan oo aan qarsoodi laheyn.
Xukuumadda waxaa loo baahan yahay in ay noqoto mid ka jawaabta ama tilaabo wax ku ool ah ka qaada adeegyadda aasaasiga ah ee shacabka.

Adeegyadda loo bashan yahay ee xagga amniga, caafimaadka, waxbarashadda, cadaaladda, shaqo u abuuridda dhaliyaradda iyo dhiirogalinta gacacsiga gaarka loo lee yahay maadaama ay cashuur dalku u baahan yahay in dhaqligiisa la kordhiyo.

Howlkasta oo ay xukuumaddu qabato waxaa waajib ah in wadatshi dheer laga yeesho si loo daboolo baahiya hortabinta leh ee xukuumadda horyaala. Waxaa intaa dheer in ay kharashka beehkaamiso.

Wax walba oo la go’aamiyo waa in la hubiyaa in ay waxtarkooda muuqan karaa. Howshana waa laga ilaaliyaa dano iska hor imaanaya iyo fursad suurogalisa in ay howshu fashilanto.

Xukuumadda waxaa waajib u ah in marwalba ay diyaar u tahay in lala xisaabtamo, si wada jirana loo wada maareeyo iyadoo loo wado jiro arrimaha masiiriga ah ee dalka dhibaatooyinka ragaadi wax looga qabanayo. Ma aha in la ogolaadi in cid gaar ah ay xaq u yeelato talo aan la la ogeyn.

Ogow, Soomaaliya waxaa ka dhamaaday is aaminaada marka waqti ha isga dhumin in aad cid qanciso, isla xisaabtanka ayaa ka fiican in la is aamino. Shaqadii laguu igmadaa ma qaban karaa, waxaa loo baahan yahay cadeyn iyo raad lagu kormeeri karo wixii howl ah ee la qabtay ee uu kharash ku baxay.

Dowlad wanaagsan waxay u baahan tahay dad xirfad leh oo ka mirro dhalin kara ahdaafta waa weyn ee siyaasad ahaa dalka loo dajiyay si wax looga qabto dhibaatadda dalka ragaadiyay.

Dadka aan shaqadda iyo isla xisaabtanka diyaarka u ahayn waa in laga gusbaa. Dadka aan wax galka u ahayn howlaha kor ku xusan waa in ay fahmaan in waqtigoodii uu dhamaaday loona baahneyn.

Waxaa hubaal ah, haddii sidaa loo shaqeeyo, Markaa ayaa waxaa la oran karaa Soomaaliya waxay yeelatay dowlad wax gal ah oo waaya- aragnimo iyo khibradda dowlad la’aanta wax weyn lag baratay. Waxaana la helay oo lagu tilaabsatay dowlad ay shacab iyo xukuumadba ku faraxsan yihiin oo ay u muuqato howsheeda yar iyo weynba.

Watiga dheeraadka ah ee la sugi karo xukuumad wax ku ool ah, wax dhib ah ma laha, ee waxaa daran in lala yimaado xuumad la mid ah xukuumaddii horre loogu fashilmay.

Markaasna waxaa la qiyaasi karaa natiijadda ay howshu ku dhamaan doonto. Shacabka ayaa waxay marar badan horay ugu hungoobeen xukuumadda, haba yaraatee, aan waxba ka fahamsaneyn micnaha dowlad wanaag iyoin nidaan qaanuunka iyo dastuurka ku saleysan lagu wadoshaqeyn karo.

Waxaa la wada sugaba xukuumadda cusub dadka ka soo muuqda, ehel ma u yihiin in ay qabtaan shaqadda kor lagu xusay. Liisaska la wareejinayo waxaa ka fiican xaqiiqadda in la sugo.

Mar kasta xusuusnow, ‘ninkii xil qaada eed qaad’ bay Soomaalidu tiraahdaa. Cidi yeeysan isku qaban xil aysan ka bixi karin ama aysan ehel u aheyn haddii lagu qaldamo. Shacabka in ay xukuumadda inta la dhisayo ay sugayaan dhib kuma qabaan laakiin khalad dulqaad looma leh ee ha laga feejognaado.

Waxaa taa uu macnaheedu waxaa yahay in la keeno xukuumad wax qabad hufan leh. Yaanan lagu kadsoomin in dadka lagu xusho saaxiibtinimo iyo is xisbiyeesi.

Ogow, dalka wali xisbiyo lama dhisin waxna laguma dooran. Xukuumadda la dhisayo ayaa laga rabaa in ay dalka heerkaa gaarsiiso…

Hadda waxaa haboon in wadadaa laga baaqqsado. Haddii la diido, waxa dhacaya waa fashil iyo ceeb la mid ah xukuumadahii hore farsamo xumadoodii. Sidaana xaaladda adag ee dalkan ka jirta, ma xamili karto. Dhamaad.

Qore: Mohamed Mohamud Cadde.
Waa Aqoonyahan iyo lafegure arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed