Maxaa Soomaaliya dhulkeeda hoostiisa ka socda!

Soomaalidu waa dad muslimiin ah oo aaminsan qadar iyo qadaa, mana jecla in ay maqlaan wax la xiriira saadaalin iyo wax mustaqbalka dhici doona. Sababta qoraalkan u sameenayo ayaa ah in dadku la socdaan waxa culimadda leh aqoonta dheqdhaqaaqa dhulka iyo cilmiga xidigiska iyo meerayaasha ay sheegayaan.

Culumadda daraaseeysa, isbedeladda iyo dheqdhaqaa dhulka hoostiisa ka socda waxay saadaalinayaan in laga yaabo in uu dhulgariir dhaco. Meelaha dhaqdhaqaaqa dhulka lagu arkay ee qariiradda ay soo bandhigeen waxaa ku jirta Somalia.

Frank Hoogerbeets ayaa bishan horaanteedii 10 maalmood ka hor, inta uusan dhicin dhulgariirka ku dhuftay Turigga iyo Suuriya ayaa sheegay oo saadaaliyay dhulgariirka. Hadda waxaa ognahay in dhulgariirkaas is xiigxigay ay ku dhinteen 45 kun oo qof.

Haddaba caalimkan warkiisa lama yareysan karo. sidda aad ku aragtid sawirka qariidadda meelaha dhaqdhaaqa dhulka hoostiisa lagu arkay waxaa ku jirta Soomaaliya.

khabiirku waxaa uu leeyahay taa macnaheedu ma aha dhulgariir baa dhacaya, hase yrmeeshee, marka la fiiriyo cilmiga xidigista merkury iyo venus ayaa qoraxda u soo dhawaaday, waxaana isku beegmay bisha, qoraxda iyo dhulka maadaama ay bil cusub dhalatay.

Waxaa cajiib ah khariidadda sawirka waxaa lagu sameeyay khad cas oo isku xiraya dalalka dhaqdhaqaaqa dhulka laga dareemay. khadla waxaa uu maraa barigga Afrika, barigga Gacanka Carabta, iraan iyo dalalka Yoro-ashiya.

Dalalka Iran, Afqanistan iyo Bakistaan waa meelaha ay hore uga dhaceen dhulgariiradda. khabiirku waxaa uu dheegayaa in aan la aqoon goorta ay wax dhacayaan laakiin ay arkeen iyagoo kaashanaya aqoontooda dgaqadhaqaaqa dhulka iyo culuunta dhaqadgaqaaqa majiirayaasha in laga yaabo in uu dhulgariir dhaco.

Soomaaliya kama mid ah meelaha dhulgariirka lagu yaqaano, hase ahaate dalalka Jabuuti, Eretriya iyo Etoobiya waa la sheegaa dhaqdhaqaaq dhulka ah oo ay dadku dareemaan. Magaaladda Boorame ayaa ah meesha kaliya ee dhaqdhaqaaq dhulka ah laga dareemo ee Soomasliya ah.

War iyo dhamaantii, Ilaah baa og waxa Soomaaliya dhulkeeda hoostiisa ka socda, laakiin waxii ka dhacay 10 gobol oo ka mid ah dalka Turkiga iyo waqooyiga Suuriya tabar iyo taag waxa looga qabto Soomaalidu ma laha iyo cid kale toona… ee Ilaahow na amaanso. dhamaad.

Qore: Mohamed Mohamud Cadde.
Aqoonyahan iyo lafegure arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed