Maxaa saarnaa diyaarada ciidamada cirka Jordan ee xalay saqdhexe ay ku daadisay gudaha marinka Qaza

Boqorka Jordan Boqor Cabdallaha Labaad ayaa sheegay in ciidamada cirka ee Jordan ay ku daadiyeen “gargaar deg deg ah” isbitaalka garoonka oo ay boqortooyada ka maamuleysay gobolka tan iyo 2009-kii. Gargaarkaan ayaa iskugu jiray qeybaha kala duwan ee daawooyinka loogu talagalay dhaawacyada iyo bukaanada.

Boqorka Jordan Boqor Cabdallaha Labaad qoraal uu soo dhigay bartiisa X ayuu sidaan ku yiri:

“Shaqaalaheenna oo aan cabsi qabin ayaa xalay saqdii dhexe gargaar caafimaad oo degdeg ah geeyey isbitaalka Urdun ee Gaza. Waa waajib na saaran inaan u gargaarno walaalaha ku dhaawacmay dagaalka Gaza. Waxaan mar walba u joognaa walaalaheen Falastii”

Bishii hore, Saudi Arabia  News, oo soo xiganaysa sarkaal aan la magacaabin, ayaa sheegay in cisbitaalka  Urdun ay soo food saartay khatar dhanka daawooyinka ah ayna u badan tahay in uu shaqada joojin doono dhawaan sababo la xiriira sahay la’aan xilli ay duqaymo Israel geysanayso ay tahay mid aan kala joogsi laheyn.

Hay’adaha samafalka ayaa ka digay dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee sii kordhaya taas oo ay ugu wacan tahay sida cunnada, biyaha, koronto iyo shidaalka oo ay sababeen go’doominta Israa’iil iyo duqeymaha aaggaas.

Axaddii, madaxda 18 hay’adood oo Qaramada Midoobay ah iyo NGO-yo ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo naadir ah oo ku cambaareeyeen go’doominta Gaza oo ay ku tilmaameen “wax aan la aqbali karin” waxayna ku baaqeen in gargaarka la gaarsiiyo “si deg deg ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed