Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirrada kaas oo ahay mid xasaasi ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda  oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka, amniga iyo ciribtirka kooxda Al shabaab ee dagaalka kula jirto dowladda Soomaaliya.

Golaha ayaa warbixin ku saabsan saameynta ka dhalatay roobabka daadadka wata, waxa ay ka dhageysteen Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo soo bandhigay in ku dhawaad laba malyuun oo qof ay saameeyeen roobabka iyo daadadka ka da’aya dalka. Iyada oo inta la xaqiijiyey ay ku geeriyoodeen roobabka daadadka wata ee El-nino muwaadiniin gaaraya 96.

Qoraal laga soo saaray kulanka ayaa lagu yiir: “Xukuumadda S ayaa dadaal ugu jirta gurmadka dadka ay saameeyeen dadaadadku, waxa ayna ugu baaqeen hey’adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la caawiyo dadka ay saameeyeen roobabku”.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo shirka guddoominayey, ayaa golaha warbixin ka siiyey safarkii uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo, waxuuna soo bandhigay baaxadda saameynta ay ku yeesheen daadadku gobolka.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo cdagaalka ka dhanka ah ururka Al shabaabka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaanshaadhigga.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed