Maxaa Looga Hadlay Kullankii Golaha Wasiiradda ee Maanta.

Shirka Isbuuclaha ah ee golaha Wasiirrada ayaa looga hadlay maanta arrimo dhowr ah, kullaankaan ayaa waxaa Shir guddoomiyaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Shirkaan ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Waxaana looga dooday Xasilinta deegaannada Al shabaab laga xoreeyay, kuwa la xorreyn doono sidii loo gaar siin lahaa adeegga dowladda ee dadweynaha, Ilaalinta ammaanka deegaannada iyo sidii loogu sameeyn lahaa Ciidan Booliis ah iyo garsoor kuwaas oo ka shaqeenaya nabad galyada iyo hormarinta hannaaka dib usoo celinta Xasilinta.

Sidoo kale kullanka ayaa looga hadlay wada-shaqeynta iyo iskaashiga Wasaaradaha dowladda iyo kuwa xubnaha ka ah dowladda Faderalka ee Soomaaliya, Waxana la isla qaatay Xasilinta goobihii Al shabaab looga xorreeyay.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed