Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Wasiiradda Soomaaliye ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo yeeshay kulankii Toddobaad laha ahaay ayaa meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka, ka dib kulankoodii, dood door kadib oo ay wadaageen.

Shuruucdan oo ay soo kala gudbiyeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada; iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ayaa muhiimad gaar ah u leh xujeyda iyo daryeelka bukaanka Soomaaliyeed.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, dhaqaalaha, deyn-cafinta iyo aqoon-is-weydaarsiga istiraatiijiyadeed ee Golaha Wasiirrada.

Golaha ayaa ugu dambeyntii bogaadiyey guulaha isbadaba joogga ah ee Ciidamada isku dhafka ah  iyo dadweynaha oo iskaashanaya ay ka gaareen dagaalka lagula jiro Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed