Maxaa ka soo kordhay wareradii lagu qaaday ciidamada Israa’iil iyo khasaaraaha ilaa hadda la diiwaa gaaliyay

Ugu yaraan 198 qof ayaa lagu dilay halka 1,610 ay ku dhaawacmeen aagga Falastiiniyiinta ee Gaza intii lagu jiray aargoosiga Israa’iil kadib weerar jihooyin badan leh oo ciidamada Xamaas ay ku qaadeen Israa’iil, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Khasaaraha oo sii kordhaya ayaa yimid ka dib markii kooxda Falastiiniyiinta ee ka talisa marinka Qaza ay bilaabeen duulaankii ugu weynaa ee ka dhanka ah Israa’iil muddo sanado ah, iyaga oo gantaalo ku ruxay deegaano ka tirsan koonfurta dalkaasi ka dib markii kumannaan gantaal laga soo riday dhulka.

Adeegga samatabbixinta qaranka Israa’iil, Magen David Adom, ayaa sheegay in ugu yaraan 40 qof ay dhinteen, boqollaal kalena ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan tobannaan xaaladood oo halis ah, lagu daweynayo cusbitaallada Israa’iil. Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in tirada hadda ay kor u kacday ugu yaraan 100 qof.

Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa uga digay Xamaas in ay “khalad weyn” ka sameeyeen weerarkaas oo billowday 6:30 aroornimo ee xilliga maxalliga ah  oo uu ku lug lahaa gantaallo laga soo ganay dhowr goobood oo Gaza ka tirsan, iyo sidoo kale dagaalyahano galay  deegaanno ay ku sugnaayeen ciidanka Israa’iil.

Bilawga dagaalka weyn ee u dhaxeeya ciidamada Israel iyo dagaalyahanada Falastiiniyiinta ayaa yimid kadib todobaadyo ay sii kordhayaan xiisadaha ka taagan xuduuda u dhaxeysa Israel iyo Gaza, iyo iska hor imaadyo lagu hoobtay oo bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay Daanta Galbeed ee la heysto.

Ugu yaraan 247 falastiiniyiin ah ayay ciidamada Israa’iil ku dileen sanadkan, halka 32 Israa’iiliyiin ah iyo laba ajaaniib ah lagu dilay weeraro hore oo ay geysteen Falastiiniyiin.

Dhaqdhaqaaqa Xisbullah ee Lubnaan oo la aas aasay 1982-kii si uu ula dagaalamo gumeysiga Israa’iil ee koonfurta Lubnaan, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay si dhow ula socdaan dhacdooyinka Gaza, isla markaana ay xiriir toos ah la leeyihiin hoggaanka iska caabinta ee Falastiiniyiinta. ”

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed