Maxaa Ka Cusub Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Baydhabo.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku Meel gaarka u ah Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Wufuud kala duwan ayaa gaaray goobta loo qorsheyay in uu shirkaan ka dhaco maalmihii la soo dhaafay, ilaa haatana waa ay ku sii qulqulayaan.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasme Cabdi Barre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, Galmudug, Jubbaland iyo Hir-Shabeelle ayaa la filayaa inay tagaan Magaalada Baydhabo.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxeynaha Puntland uusan tagi doonin Shirka, waxana ka soo baxaya warar kala duwan, wararka qaar ayaa ku waramaya in ay macquul tahay in uu kaga qeyb gali doono Aallada Fogaan araga ee Zoom-ka.

Ammaanka Guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana Magaalada lagu arkayaa Ciidamo katirsan kuwa dowladda & kuwo Koonfur Galbeed oo ammaanka siweyn u xaqiijinaya.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed