Maxaa Ka Cusub Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Baydhabo.

Muqdisho (Hbn tv)- Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah Maamulka Koofur Galbeed waxaa ka Soconaya qaban-qaabadii u dambeysay ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran kaas oo lagu wado in ka furmo magalaadaasi.

Wafuud hordhac u ah Shirkaas aya maalmihii la soo dhaafay gaaray goobta loo qorsheeyay Shirka, kuwaas ka sii shaqeynaayay hirgalin hanaan diyaarsan oo lagu soo dhaweynaayo Madax kala duwan ee ka soo qeyb galeyso.

Maanta waxaa lagu wadaa in ay Baydhabo gaaraan Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha Madaxda dowlad Goboleedyada, iyo Gobolka Banaadir kuwaas oo lagu wado in maanta wada xaadiraan.

Warar hoose oo aan helnay ayaa ku warramay in Madaxweynaha Puntland uusan qeyb ka aheyn shirkaas, sababa la xiriiro Xiriirka Puntland iyo Kan dowladda dhexe uu xumaaday muddooyinkii la soo dhaafay.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka koofur galbeed ahaa inoo sheegay in Shirka berri uu furmi doono kaas dib u dhacay muddo labo maalin ah.

Si kastaba, shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa markii hore qorshuhu ahaa in la qabto 24-kii bishii hore, balse wuxuu dib ugu dhacay si madaxweynaha Puntland loogu qanciyo ka qeyb-galka shirka, taasi oo illaa hadda aan lagu guuleysan.

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed