Maxaa ka cusub magaalada Garowe oo ay soo galeen ciidamo hubeysan

Iyadoo magaalada Garoowe ay ka jirto xiisad colaadeed ayaa waxgaradka magaalada waxay wadaan dhaqdhaqaaq isla markaana  baaq u direen madaxweyne Deni, iyagoo ka codsaday in la joojiyo ciidamada ay u arkaan inay sii kordhinayaan xiisadda taagan. Odayaasha ayaa ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay in la helo jawi nabadeed, waxa ayna Madaxweynaha ka codsadeen in joogitaanka ciidamada aysan xaalada uga sii dari doonin.

Wuxuu fariin u  diray madaxweyne Deni, waxay ku baaqeen in si xilkasnimo leh looga hortago wax kasta oo saamayn xun ku yeelan kara xasiloonida qaranka.

Sidoo kale, nabadoonnadu waxay ugu baaqeen kooxaha kasoo horjeeda inay is-xakameeyaan oo ay la wareegaan ciidamadooda, iyaga oo carabka ku adkeeyay in ciidamada ay ka shaqeeyaan danaha shacabka. Codsiga ayaa doonaya in la joojiyo xiisadda sii socota laguna dhiirigeliyo wadahadal lagu xalinayo xiisadda taagan.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Garoowe ayaa weli ku jirta jawi kacsanaan ah, gaar ahaan dhanka Koonfur-galbeed, halkaasoo lagu arkayay xoogagga iska soo horjeeda oo wata gaadiidka dagaalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed