Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug oo ku dhaawacmay Weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Barujeed ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Guriceel Shaafi Cabdi Jaamac iyo taliyaha saldhiga degmada Cismaan Xudey ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Barujeed ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiye ku xigeenka iyo taliyaha ay qeyb ka ahaayeen ciidamo gurmad ah oo loo diray in lagu taageero ciidamada lagu weeraray saldhiga ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Gudoomiyaha degmada Guriceel ee maamulka Galmudug Faarax Cabdi Macalin oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ciidamada Milatariga iyo kuwa deegaanka ay ku guuleysteen in ay iska caabiyaan kooxda Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday fariisin ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa gacanta ku dhigay labo saldhig oo waaweyn oo deegaankaasi ku yaalla.

Weerarka kooxdan ayaa dhacay labo maalmood un kadib markii Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay sheegtay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo taageero ka helaya saaxiibada caalamiga ah ay howlgal xalay ka fuliyeen howdka Shabellow ee koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Howlgalkan ayaa lagu soo afjaray 20 ka tirsan  Al-Shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed