Masar oo soo saartay bayaan adag oo lagu taageerayo madax-bannaanida dowladda Soomaaliya

War-saxaafadeed ay  soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar, ayay ku sheegtay inay si buuxda u taageersan tahay mowqifka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan madax-bannaanideeda, iyadoo ku baaqday in la ixtiraamo madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda. War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri: “Masar waxay diidaysaa tallaabo kasta oo khatar ku ah qarannimada Soomaaliya”, waxayna xaqiijisay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa kaliya ee ka faa’iideysanaya kheyraadkooda.

Masar waxa ay sidoo kale bogaadisay hadaladii ka soo yeeray dalalka gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee lagu cambaareeyay falalka halista ku ah xasiloonida Geeska Afrika. Masar ayaa ku boorisay in loo hoggaansamo mabaadi’da Midowga Afrika, oo ay ku jiraan ilaalinta midnimada dhuleed iyo xudduudaha dalalka xubnaha ka ah.

Warkaan culus ayaa imaanaya iyada oo xalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu taleefanka kula hadlay madaxweyna dalka Masat oo ay ka wada hadleen arrimaha soo kordhay ee gobolka iyo xaaladihii ugu dambeeyay, Qaahira ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in la ilaaliyo madax-bananaanida Soomaaliya isla markaana ay garab taagan yihiin.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed