Masar oo sheegtay in ay Soomaaliya ka taageereyso kor u qaadid ammaanka kaddib cunaqabateynta hubka ee laga qaaday

Masar ayaa Talaadadii sheegtay inay ansixisay Qaraar tirsigiisu yahay 2714 Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo dhaqan galay 1-dii December 2023, kaasoo Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka tan iyo 1992-kii.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku qiratay in qaraarkan uu muujinayo horumarka ballaaran ee ay dowladda Soomaaliya ka sameysay la dagaallanka argagixisada iyo raadinta xasilloonida, sida lagu sheegay warbixinta.

Masar ayaa xaqiijisay in ay garab taagan tahay dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto soo celinta amniga iyo xasiloonida, isla markaana ay sare ugu qaadayso horumarka ee dhanka ammaanka iyo xoojinta guusha Soomaaliya. Taageeradan ayaa la filayaa in ay saameyn wanaagsan ku yeelato ammaanka iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed