Mareykanka oo u ogolaaday qoysaska diblumaasiyiinta in ay ka baxaan Israa’iil xiisadda ka taagan gobolka aw-geed

Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa la sheegay inay u ogolaatay shaqaalaha aan muhiimka ahayn iyo qoysaska dublamaasiyiinta ka shaqeeya safaaradda Maraykanka ee Israa’iil inay ka baxaan, sababo la xiriira colaadda u dhaxaysa kooxaha Falastiiniyiinta iyo Israa’iil sida ay sheegtay warbaahinta dalkaas.

Afhayeen u hadlay safaaradda oo aan magaciisa la shaacin ayaa u sheegay Times of Israel in safaaradda ay sii ahaan doonto mid furan ayna sii wadi doonto iskaashiga diblomaasiyadeed.

Ciidanka Israa’iil ayaa toddobaad ka hor bilaabay olole millatari oo joogto ah oo xooggan oo ka dhan ah Marinka Qaza, iyaga oo ka jawaabaya duulaanka milatari ee dagaalyahannada Falastiiniyiinta ee Xamaas ku qaadeen dhulka  ay Israa’iil xoog ku heysto ee Daanta Galbeed.

Iskahorimaadka ayaa billowday Sabtidii lasoo dhaafay markii Xamaas ay billowday howlgalka Al-Aqsa, iyo weerar lama filaan ah, oo dhinacyo badan leh oo isugu jiray gantaallo badan iyo duullaan dhanka dhulka, badda iyo cirka ah oo Israa’iil lagu qaaday.

Xamaas ayaa sheegtay in howlgalkan uu ahaa mid ay ugu aargudayeen weeraradii lagu qaaday Masjidka Al-Aqsa ee bariga magaalada Quddus ee la heysto iyo dhibaatooyinka sii kordhaya ee ay shacabka Israa’iil ku hayaan shacabka reer Falastiin.

Milateriga Israa’iil ayaa markaas billaabay howlgalka seefta birta ah ee ka dhanka ah bartilmaameedyada Xamaas ee marinka Gaza.

Jawaabtaasi waxay ku fiday in la gooyo sahayda biyaha iyo korontada ee Gaza, taasoo ka sii dareysa xaaladaha nololeed ee aagga ku jira xannibaadda curyaamisay tan iyo 2007.

In ka badan 3,500 oo qof ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalku qarxay 7-dii Oktoobar, oo ay ku jiraan 2,215 Falastiiniyiin ah iyo 1,400 Israa’iiliyiin ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed