Mareykanka oo soo saaray bayaan ku aaddan deyn cafinta Soomaaliya isla markaana ku dhawaaqay taageero hor leh

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa Soomaaliya ugu hambalyeysay guusha auy gaartay deyn cafinta ballaaran ee lagu dhawaaqay. War-saxaafadeed ka soo baxay safaaradda ayaa lagu ammaanay sida wanaagsan ee ay Soomaaliya u hirgelisay isbedello waaweyn oo dhanka dhaqaalaha ah, taasoo keentay in 4.5 bilyan oo dollar laga cafiyo daynta iyadoo loo marayo hindisaha HIPC.

Bayaanka ayaa muujinaya iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Mareykanka iyo Soomaaliya, iyagoo xoogga saaraya dadaallada iskaashiga ah ee lagu gaarayo guushan muhiimka ah. Mareykanka ayaa sheegay in ay aqoonsan yihiin horumarka Soomaaliya ay ka sameysay dowladnimada, dhismaha hay’adaha dowladda, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha, iyagoo sheegay in guulo laga gaaray isbedellada lagu amaanayo ee ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya.

Safaaradda Mareykanka ayaa muujisay sida ay u rabto inay sii wado taageerada ay siiso Soomaaliya si kor loogu qaado awooda ay ugu adeegto dadkeeda. Cafinta deymaha ayaa la filayaa in ay Soomaaliya siiso fursad isbedel ah, oo ay diiradda ku saarto kobac dhaqaale oo waara.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed