Mareykanka oo sheegay in koox looga shakisan yahay burcad badeed Soomaali ah ay weerar ku qaadeen Markab laga leeyahay Israa’iil

Mareykanka ayaa sheegay in kooxihii isku dayay in ay qabsadaan markab xamuul oo Israa’iil laga leeyahay dabayaaqadii todobaadkan ay u badan tahay in ay ahaayeen burcad badeed Soomaali ah halkii ay ka ahaan lahaayeen dagaalyahannada Xuutiyiinta Yemen.  afhayeenka Pentagon-ka Brigadier General Patrick Ryder ayaa xusay in Mareykanku uusan meesha ka saarin xiriirka Xuutiyiinta ee isku dayga afduubka shan nin oo hubeysan todobaadkii hore.

Ciidamada badda ee Mareykanka ayaa fashiliyay qabsashada markabka Central Park dabayaaqadii todobaadkii hore ka dib markii kooxo hubeysan ay weerareen, kuwaasoo la qabtay markii uu yimid markabka dagaalka ee Mareykanka Mason.

Isku dayga Afduubka Xuutiyiinta ayaa kusoo beegmaya xilli Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya Iiraan ay weerarro is-daba joog ah ku qaadeen Maraakiibta ku sugan gobolkaas, waxaana Maraykanku uu sheegay in gantaallada ballistic-ga ah laga soo riday dhulka Xuutiyiinta ay maamulaan, isla markaana lala beegsaday.

Balse markii dambe Mareykanka ayaa sheegay in weerarka ay fuliyeen burcad badeed Soomaali ah, kuwaas oo aan laga bixin macluumaad faah faahsan, waxana wararku ay sheegayaan in ilaa hadda looga shakisan yahay weerarkaas, iyada oo aanan wax war laga helin dhinaca Soomaaliya.

Dhanka kale Xuutiyiinta ayaa xoojiyey gacan ku heynta dhul badan oo ku yaala waqooyiga Yemen, waxaana ay u soo shaac baxeen awood ku soo korortay gobolka ka dib sanado badan oo dagaal u dhaxeeyay dowladda dalkaas iyo isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Iyadoo dagaalka Yemen uu hoos u dhacay sanadkii la soo dhaafay, ayaa Xuuthiyiinta ayaa dhowr jeer weeraro ku qaaday Israa’iil, iyadoo dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta ee Xamaas uu weli socdo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed