Mareykanka oo sheegay in duqeyn uu ku dilay xubno ka tirsan AS

Mareykanka ayaa sheegay in uu dilay 5 dagaal yahan oo ka tirsan Al-shabaab duqeyn uu ka fuliyey gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Howgalkaan ayaa ka dhacay Hareeri Kalle oo hoostaga degmada Galcad ee  Galgaduud.

Qoraal kasoo baxay AFRICCOM ayaa lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka howlgalkaas ay ku dileen  5 ka tirsan Al-Shabaab, mana jirto dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay, sida ay bayaanka ku xuseen.

Taliska Afrika ayaa ka dhawaajiyay in howlgallada nuucaan ay looga hor tagay in dad shacab ah ay waxyeello ka soo gaarto, waxaa uu meesha ka saaray in la ilaaliyay dadka rayadka ah. Balse lagu guuleystay in ay beegsadaan kaliya kooxda Al-shabaab.

Dhowr jeer oo hore hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa xusay  in dad shacab ah ay waxyeelo kasoo gaartay induqeymaha uu Maraykanku ka geysto gudaha Soomaaliya.

AFRICOM ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howgallada lagu taageeraayo ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalla kula jiro Xarakada Al-shabaab. Dowladda Soomaaliya sheegtay in howgalladii ug dambeeyay ay ka qeyb qaateen diyaaradaha dagaalka cirka ee Mareykanka.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed