Mareykanka oo shaaciyay in labo askari oo kamid ah ciidamada badda ay dhinteen xeebaha Soomaaliya

Labada askari  oo kamid ciidamada badda Mareykanka  kuwaasoo lagu waayay xeebaha Soomaaliya 11-kii bishii Janaayo ayaa dhintay, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka, kadib baaritaan socday muddo 10 maalmood ah.

“Waxaan aad uga xunnahay inaan ku dhawaaqno in baaritaan dheer oo socday 10-maalmood kaddib, aan la helin labadii askari ee la la’aa ee Navy SEAL-ka Mareykanka ah, laguna daray liiska kuwo dhintay,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay taliska dhexe ee Mareykanka . ”

Laba badmaax ayaa fuulay markab ay ku baadigoobayeen hub sharci darro ah oo Iran laga leeyahay, mid ka mid ah ayaa ku dhacay biyaha, halka la sheegay in ka kale uu ka daba booday, sidaasi waxaa soo wariyay warbaahinta CNN ee dalka Mareykanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed