Mareykanka oo shaaciyay baaxadda dhulka Shabaab laga qabsada.

Safiirka Dawlada Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry André ayaa sheegay in howlgallada ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab lagu guulaystay in xarakada Al Shabaab laga saaro saddex meelood oo meel 1/3 dhulalakii ay ka talinayaan ee Soomaaliya.

Wareysi uu siiyay warbaahinta ayaa Larry wuxuu  ku sheegay in dhulkaas baaxadda leh ee Al Shabaab laga qabsaday tahay tilaabo horey loogu qaaday soo kabashada Soomaaliya.

“Weerarada ay Soomaalidu hormuudka ka tahay waxaa lagu xoreeyay  madax 1/3 dhulkii ay horay Sooomaaliya uga maamuli jireen al-Shabaab,” ayuu yiri Danjire Larry André.

Tan iyo bishii Janaayo, Mareykanka ayaa kordhiyay taageerada hub ee ugu deeqayo ciidamada qaranka Soomaaliya si ay u guulaystaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Mareykanka ayaa sidoo kale tababara cutubyo ka tirsan ciidanka Soomaaliya oo loo yaqaan Danab, kuwaasi oo hormuud u ah weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed