Mareykanka oo Saldhigo Ciidan u Dhisaayo Soomaaliya

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa kulan lagu xoojinaayo ammaanka Soomaaliya iyo furida saldhigyo ciidan oo hor leh la yeelatay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciimadda xoogga Soomaaliya, kulankaan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo taliyaha Ciidanka Xoogga Sareeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo kulan la yeeshay Safaaradda Mareykanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta labada dhinac ee arrimaha ammaanka, iyada oo Mareykanku sheegay in Saldhigyo cusub loo dhisaayao ciimada Danab ee kamid ah xoogga dalka.

Barta Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu daabacay warbixintaan oo aheyd mid koobaan,  Saraakiisha Ka socotay dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ay taageeri doonaan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jiro Al-shabaab.

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada xoogga ayaa kaga mahad celiyay Safaraadda dalkaas dadaalada ay ku bixinayaan taageerida ciidamada Soomaaliya dagaalka dhanka ah Al shabaab.

Hadlkaan ayaa imaanaya iyada oo maalmihii la soo dhaafay Ciidamada AFRICOM ee dalka Mareykanka aya duqeymo kala duwan ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab, iyaga oo ciidamada Soomaaliya ka caawiyay howlgallada cirka.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed