Mareykanka oo Magacaabay Xubno Sare Sare oo Ka Tirsan Al Shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay liiska xubno ka tirsan Al shabab kuwaas oo lagu daray liiska Argagixisada caalamiga ah, hadalkaan ayaa lagu faafiyay bayaan ka soo baxay waaxda Arrimaha Debidda Markeynkanka, xubnahaan ayaa gaaraya ilaa 5 ruux kuwaas oo xiriir adag la leh Al-qaacida sida lagu sheegay bayaan Mareykanka ka soo baxay.

Liiska xubnaha iyo Shaqooyinka ay u qaabilsan yihiin Al Shabaab ayaa lagu daabacay warbixinta kuwaas oo kala ah:

1: Maxamed Siidow ayaa lagu sheegay warbixinta in uu Al shabaab u qaabil sanyahay deegaanka Caliyow Barro oo hoos taga gobolka Shabeellada Hoose, waxaa uuna ka qeyb qaatay weeraro iyo qaraxyo ka dhacay Soomaaliya.

2: Cali Yare ayaa isagana lagu sheegay in Al shabaab uu u qaabilsan yahay dhanka maaliyadda iyo soo aruurinta lacagaha, deegaanka Beled Aamin ee gobolka shabeellaha hoose, waxaa kale oo lagu sheegay warbixinta in uu  abaabulay weeraro ka dhacay deegaanka Calaagacad oo ka tirsan Shabeellaha hoose November 2018.

3:Saleebaan Cabdi Daa’uud waa guddoomiyaha deegaanka Balad Aamin, waxaa uuna qeyb ka yaha maxkamadda maamulka deegaanka, waana mid kamid ah xubnaha ugu muhiimsan Al shabaab.

4: Maxamed Cumar Maxamed waa mid kamid ah hoggaamiyaasha Al-shabaab ugu magacaaban degmada Diinsoor ee gobolka Baay,wuxuu masuul ka ahaa weeraro lagu qaaday degmada, asiga oo horay uga soo shaqeeyay deegaanka Berdaale gobolka Baay.

5: Maxamed Daa’uud Gaabane waa hoggaamiye ka tirsan Al-shabaab kaas oo u magacaaban Arrimaha  Maaliyadda ee degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose.

Si kastaba, Liiskaan xubnaha ka tirsan Al shabaab ku biiraya kuwa horay Mareykanku ugu daray liiska Argagixisada Calaamiga kuwaas oo xiriir la leh kooxda Al-qaacida.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed