Mareykanka oo Ka Hadlay Wada-hadalada Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay ay taageereeyso wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland sidii loogu mira dhalin, guulna looga gaari lahaa arrimaha la xiriiro midnibada iyo wada shaqeynta labada dhinac oo muddo fog kala maqan.

Safiirka waqtigu ka sii dhammaanayo ee dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya  Andre Larry hoosta ka xariiqay in dowladdiisu ay taageero sare ay sii doonto wada-hadalo guuleysto labad dhinac Xilli u qadka taleefanka uu kula hadlay Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan u magacaabay Arrinta Soomaaliland ee Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ergayga iyo danjiraha ayaa kawada hadlay in ahmiyadda gaar ah la siiyo  Wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland iyo sidii xal-waara looga gaari arrintaan dheeraatay.

Dhawaan ayay ahayd markii Somaliland ay soo dhaweysay  magacaabidda ergayga cusub, iyagoo sheegay inay ku kalsoon yihiin inuu yahay nin hoggaamin kara wada hadalada oo xog ogaal ah.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed