Mareykanka oo geeska ku dhuftay hishiiskii Itoobiya iyo Somaliland isla markaana sheegay in la ixtiraamo xuduudihii 1960-kii ee Soomaaliya

Iyadoo ay taagan tahay xiisada diblumaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii ay dhawaan wada gaareen Itoobiya iyo Somaliland, ayaa dowladda Mareykanka waxay walaac xooggan ka muujisay, iyadoo sidoo kale sheegtay inay taageersan tahay madax-bannaanida Soomaaliya. Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya loogu oggolaaday inay gasho badda cas, ayaa sii xoojisay xiisadda Geeska Afrika.

Maraykanka ayaa diiday aqoonsiga caalamiga ah ee maamulka Somaliland, wuxuuna ku baaqay in la dejiyo heshiiska lala galay Itoobiya. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Matthew Miller ayaa ku nuux-nuux saday ” aqoonsiga Mareykanka ee madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee gudaha xuduudaheeda 1960-kii.”

Qoraal rasmi ah oo uu soo saaray, Miller waxa uu ku muujiyay walaaca ba’an ee ay dawladda Maraykanku ka qabto qalalaasaha dublamaasiyadeed ee Geeska Afrika, waxaanu ku booriyay dhammaan dhinacyada ay khusayso inay wada-xaajood diblomaasiyadeed galaan. Mareykanka oo ay wehliyaan saaxiibo kale ayaa doonaya in la qaboojiyo xiisadda ka taagan gobolka.

Heshiiska ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayay dowladda Soomaaliya ku tilmaantay mid xadgudub ku ah madax-banaanideeda . Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo diblumaasiyadeed oo ay ugu yeertay safiirkeeda u fadhiya Itoobiya si ay ugala hadasho arrintan.

Saamaynta uu ku yeelan karo heshiiska Itoobiya iyo Somaliland wada hadaladii hakadka galay iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ah arrin kale oo walaac leh.

Iyadoo ay sii socoto xiisadda, beesha caalamka ayaa il gaar ah ku eegaysa isbedelada ka socda Geeska Afrika, iyadoo Mareykanka uu ku booriyay dhammaan dhinacyada inay raadiyaan wadahadal diblomaasiyadeed si wax looga qabto dhibaatooyinka sii kordhaya ee gobolka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed