Mareykanka oo dhawaajiyay in uu ka walaacsan yahay colaadaha ka taagan dalka Itoobiya baaqna soo saaray

Mareykanka ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay colaadaha ka taagan gobollada Axmaarada iyo Oromada ee dalka Itoobiya, wuxuuna codsaday in wadahadal siyaasadeed lagu dhammeeyo.

Isagoo la hadlaya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa ku baaqay in la ilaaliyo xuquuqda aadanaha.

Sida laga soo xigtay koox madax-banaan oo dabagal ah oo lagu magacaabo Observatory of Ethiopia, waxaa gobolka Axmaarada ka dhacay ugu yaraan 26 iska horimaadyo kala duwan oo u dhexeeyay ciidamo ka tirsan milatariga iyo kuwa dowladda ee gobolka Amxaarada labadii toddobaad ee u dambeeyay.

Waxaa si weyn looga soo horjeestay howlgal la doonayay in lagu kala qaado ciidamada gobolka, taasi oo keentay rabshado baahsan.

Gobolka Oromiya waxaa ka dhacay rabshado hor leh oo u dhexeeya ciidamada milatariga iyo jabhada Oromada ee xoraynta.

Wadahadalka uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Mr Blinken wuxuu sidoo kale ka wada hadlay suurtagalnimada in dib loo bilaabo cunnada gargaarka ah ee Itoobiya. Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa hakiyay shan bilood ka hor iyadoo lagu eedeeyay xatooyo.

Waxaa jira warar sheegaya in boqolaal qof ay gaajo ugu dhinteen waqooyiga gobolka Tigray. Xiritaanka internetka ee ka socda deegaanada ay colaaduhu ka jiraan ee Itoobiya ayaa ka dhigtay mid adag in la helo xogta dhabta ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed