Mareykanka Oo Beddelay Safiirkii Soomaaliya u Joogay

Dowladda Mareykanka ayaa Safiir Cusub u magacaawday Soomaaliya, kaas ii beddeli doono kii hore Larry Andre oo muddooyinkii dambe ka shaqeeynaayay dalka.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa u magcaabay Richard H. Riley in uu noqdo safiirka cusub ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Aqalka cad.

Safiirka cusub ee Soomaaliya loo magcaabay ayaa haatan xil sare ka haya wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka, gaar ahaan safaaradda Maraykanka ee Canada.

Richard H. Riley ayaa hore uga soo shaqeeyey dalalka Pakistan, Afghanistan, Iraq, UK, China, Russia iyo Yemen.

Danjiraha cusub ayaa bedelaya safiirka Maraykanka haatan u jooga Dowladda Soomaaliya ee Larry Andre.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed