Maraykanka Oo Indhaha Ku Haya Xiriirka Dhaw Ee Uu La Leeyahay Dalalka Bartamaha Aasiya Kadib Shir Madaxeedkii New York

Saraakiisha sarsare ee Maraykanka ayaa ku faraxsan rajada laga qabo in la wanaajiyo xiriirka ay la leeyihiin shanta dal oo ku yaal Bartamaha Aasiya ka dib shir-madaxeed kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo u dhexeeya hoggaamiyeyaasha gobolka iyo Madaxweyne Joe Biden ee New York toddobaadkan.

“Waxaan u maleynayaa inaan maqalnay furfurnaant ka timid dhammaan asxaabteena Bartamaha Aasiya iyo runtii rabitaanka xiriir dheeri ah oo lala yeesho Mareykanka,” ayuu yiri Nicholas Berliner, kaaliyaha gaarka ah ee madaxweynaha Mareykanka

Waxa loogu yeero C5 + 1, oo ah madal diblumaasiyadeed oo la bilaabay 2015, waxay ku kulmeen kaliya heerka wasiirada arrimaha dibedda ka hor fadhiga toddobaadkan ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Laakiin saraakiisha Mareykanka ayaa hoos u dhigay rajada shirar kale oo mustaqbalka ah.

kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Koonfurta iyo Bartamaha Aasiya, ayaa sheegay in shirku uu noqon karo mid sannadle ah.

Kulanka oo ahaa mid albaabadu u xirnaayeen, Biden waxa uu isku dayay in uu isku dheelitiro baaqyada dimoqraadiyada iyo ixtiraamka xuquuqul insaanka oo leh iskaashi dhaqaale iyo mid amni, sida laga soo xigtay masuul kulanka ka qeyb galay.

Iyadoo Washington ay fahamsan tahay in gobolka aysan u badneyn inuu ka tago xiriirka dhow ee uu la leeyahay labada waddan ee awoodda leh – Ruushka iyo Shiinaha – saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay inay aad u daneynayaan inay dalalkaas u soo bandhigaan aragti ka duwan Ruushka iyo Shiinaha.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed