Maraakiibta Israa’iil oo quus ka taagan weerarada ay kala kulmayaan badda Cas kaddib hanjabaadyo isa soo taraya oo ay kala kulmeen Xuuthiyiinta Yemen

Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo maraakiibta Israel oo muujinaya waxyeelada ay u geysteen kooxaha Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo bartilmaansaday oo la wareegay gacan ku haynta maraakiibta xiriirka la leh Israel ee ku sugan badda cas.

Khatarta sii kordheysa ayaa ku qasabtay shirkadaha maraakiibta Israel inay dib u habeyn ku sameeyaan maraakiibtooda xamuulka, taasoo sare u qaadeysa qiimaha gaadiidka.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in waaxda wax soo dejinta iyo dhoofinta Israel ay lumin karto suuqyo waaweyn, iyo sidoo kale shixnadaha saaran maraakiibtooda cabsi laga qabo maaddaama ay bartilmaameed yihiin.

Xuuthiyiinta ayaa soo saaray hanjabaado isa soo taraya oo ay u jeedinayaan maraakiibta ku xiran Israel ama Israel ay leedahaay si ay uga jawaabaan weerarkii bahalnimada ahaa ee Israel ku qaaday Marinka Gaza, kaasoo daba socday weerarkii 7-dii October ay Xamaas ku qaaday. Todobaadyadii la soo dhaafay, tiro maraakiib ah ayaa la beegsaday.

Dhacdadii ugu dambeysay waxay ahayd Axadii, markii markabka ganacsiga ee Central Park lagu weeraray biyaha u dhaxeeya Yemen iyo Soomaaliya.

Markabkan ayaa waxaa u shaqaynaysay Zodiac Maritime Ltd, oo qayb ka ah bilyaneerka Israa’iil ee Eyal Ofer’s Zodiac Group, waxaana uu siday kiimikooyin bacrimin ah oo loogu talagalay iibsadayaasha Aasiya. Saacado kadib sarkaal ka tirsan difaaca Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in markabka uu badqabo ka dib markii Mareykanka uu soo farageliyay.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan ayaa muujisay xiisadda sii kordheysa ee ka jirta mid ka mid ah marinnada maraakiibta ee ugu mashquulka badan adduunka. 19-kii Nofembar, Xuuthiyiinta ayaa markabka xamuulka ah ee Galaxy ku qabsaday badda cas, walina waa ay heystaan.

23-kii Nofembar, Markab ganacsi oo laga leeyahay Israel ayaa lagu weeraray Badweynta Hindiya, waxaana weerarkan geysatay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Shaheed 136 oo Iran lagu sameeyay, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan difaaca Mareykanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed