Maraakiib dagaal oo IIraan & Mareykanku leeyahay oo ku xigtay inay dagaalamaan

Maraakiib dagaal oo Mareykanka iyo Iiraan leeyihiin ayaa ku sigtay in dagaal uu ku dhexmaro biyo badeedka Gacanka Cumaan balse Iiraan u taqaan marinka Hormuz.

Warar laga helay dhanka taliska Mareykanka ayaa lagu sheegay in markab dagaal oo ay leeyihiin uu ka hortagay markab dagaal oo Iiraan ay leedahay oo isku dayay inuu gacanta ku dhigo laba markab oo ah nooca shidaalka xambaara maalinimadii Arbacada.

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee magaciisa loo soo gaabiyo CENTCOM ayaa muuqaal ay baahiyeen waxay ku soo bandhigeen markab dagaal ee Iiran oo rasaas ku riday markab sitay calanka Jasiirada Marshal Islands oo lagu magacaabo TRF Moss.

Muuqaalka ayaa muujinaya markabka Iiraan oo cayrsanaya markabka ganacsi waxaase xaaladu ay isbeddeshay markii markab dagaal oo Mareykanku leeyahay oo lagu magacaabo USS McFaul (DDG 74) uu goobta yimid taasi oo waa sida Mareykanku hadalka u dhigeen’e keentay in markabkii Iiran oo meesha isaga tago.

Saddex saac ka dib markab kale oo shidaalka qaada oo sitay calanka Bahamas oo lagu magacaabo Richmond Voyager oo marayay 20 mile meel u jirta xeebaha Cumaan ayaa bixiyay digniin qatar uu ku sugan yahay, waxaana Mareykanku ay sheegeen in isla markiiba markabkooda dagaal uu ka jawaabay digniintaasi uuna gaaray halkaasi

“McFaul ayaa u jihaystay halkii uu gooshayay markabka Richmond Voyager oo ku socday xawligisii ugu badnaa kuna sii jeeda Badda Carbeed, markii markabkeenu uu tagay halkaasi waxaan aragnay markabka dagaal ee Iiraan oo rasaas ku furaya markabka shidaalka”.

Xaalada ayaa markii dambe degtay sida lagu sheegay warka ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka.

Dhinaca kale sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada badda Iiraan ayaa beeniyay warka Mareykanka ee ah inay weerareen maraakiib ganacsi.

Iran ayaa sheegtay in sanadihii la soo dhaafay, ciidamada badda ee Mareykanka ayaa dhowr jeer gacanta ku dhigay maraakiib iyo shixnado shidaal ah oo Iiran leedahay, kuwaasoo u socday dalal kale, iyagoo sabab uga dhigay cunaqabateynta ay iyaga laftoodu ku soo rogeen dhoofinta saliidda Iran.

Iran waxay kaloo tibaaxday inay u aragto maraakiibta ciidamada Maraykanka ee ku dhuumaalaysanaya biyaha gacanka Beershiya inay khatar ku yihiin ammaankeeda, isla markaana ay xiisad iyo xasilooni darro ka abuurayaan gobolka.

Mareykanka dhankiisa wuxuu sheegay in tan iyo 2021 Iiraan ay qashqashaad iyo weeraro u gaystay 20 markab oo caalamka laga leeyahay.

Warqabadka HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed