Mali iyo Niger oo burburiyay heshiisyadii iskaashiga kala dhexeeyay Faransiiska taniyo 1972

Dalalka Mali iyo Niger ayaa baabi’iyay labo heshiis oo ay la galeen Faransiiska si ay uga caawiyaan arrimaha canshuuraha, sida ay dowladahooda ku sheegeen bayaan Talaadadii.

Labadan dal ee galbeedka Afrika ayaa waxa maamula dawlado milateri oo afgambi ku qabsaday talada dalka, waxana ay qaadayeen tallaabooyin ay kaga fogaynayaan Faransiiska oo hore u gumaysan jiray, inkasta oo ay hore isaga kaashan jireen ammaanka iyo meelo kale.

Bayaanka ayaa baabi’iyay hal heshiis oo lala galay Faransiiska laga soo bilaabo 1972 kaas oo loola jeeday in laga fogaado cashuurta labanlaabka ah iyo “dejinta xeerarka gargaarka isdhaafsiga” ee arrimaha cashuuraha kala duwan.

Heshiiska kale wuxuu lahaa ujeeddooyin isku mid ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed