Magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo gashay xaalad deg deg ah kaddib markii wabigii Shabeelle uu qarqarada jabsaday

Saacadihii lasoo dhaafay Wabiga Shabeelle ayaa qarka jabsaday kadib markii uu ku fatahay qeybo kamid ah degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Fatahaada Wabiga Shabeelle ayaa waxa ay barakiciyeen boqolaal qoys oo ka barakacay degmada Jalalaqsi,taasi oo sii xumeyneysa dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka deegaanka oo markii horeba la daalaa dhacayay dhibaatooyin maalinle ah.

Maamulka degmada Jalalaqsi oo ka hadlay dhibaatooyinka ay saameeyeen fatahaada wabiga Shabeelle ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro qoysaska barakacayaasha ah. Fatahaada ayaa sababtay in dad badan oo deegaanka ah ay waayaan hoy iyo agabkii daruuriga ahaa, taasoo keentay in gargaarka degdega ah loogu waco.

Fatahaada Wabiga Shabelle ee Degmada Jalalaqsi ayaa ku soo beegmaya iyadoo mid la mid ah ay ka taagan yihiin Magaalooyinka Baledweyne iyo Buulaburte, halka dadkii ku dhaqnaa ay ka barakaceen guryahooda, ka dib markii ay fatahaado saameysay deegaanadaasi.

Saamaynta baahsan ee fatahaada wabiga ayaa muujineysa xaalada adag ee soo food saartay bulshada ku dhaqan hareeraha webiga Shabeelle, iyadoo xoogga lagu saarayo baahida loo qabo gurmad iyo gurmad isku xiran oo wax looga qabto dhibaatooyinka bani’aadanimo ee sii kordhaya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed