Magaalada Garissa ee dalka Kenya oo dadkii daganaa ay ku jiraan go’doon ballaaran kaddib fatahaado ku dhuftay

Magaalada Gaarisa ee dalka Kenya ayaa la daalaa dhaceysa dhibaato xoogan kadib markii wabiga weyn ee Tana uu qararada jabiyay, kaasoo ku fatahay magaalooyin dhowr ah, islamarkaana uu geystay burbur baahsan. Xaalada oo ay uga sii dartay roobabkii Elnino ee aan kala joogsiga lahayn, ayaa dadka deegaanka u horseeday caqabado waaweyn, taasoo keentay in magaalada ay noqoto mid burburtay.

Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday ilo deegaanka ah ayaa muujinaya darnaanta fatahaadda, iyadoo kaabayaasha muhiimka ah, oo ay ku jiraan saldhigyada booliiska, suuqa, iyo xaafado la deggan yahay ay biyihu go’doomiyeen.

Daadadku waxa ay sidoo kale baabi’iyeen dhul beereed, waxa ay ruxeen dalagyadii beeralayda, waxa ayna qalqal galiyeen noloshii caadiga ahayd ee dadka deegaanka. Agaasimaha hay’adda Laanqeyrta Cas ee gobolka ayaa ka dib howlgal maalin qaatay oo raashin lagu gaarsiinayay tuulooyinka ay dhibaatadu ka dhacday, waxa uu soo duubay muuqaal muujinaya xaalada cakiran ee magaalada Gaarisa.

Maareeyuhu waxa uu sheegay in ilaa 208 qoys oo ku nool afar degmo oo ka tirsan magaalada Gaarisa la soo gaarsiiyay, isagoo hoosta ka xariiqay in saamaynta baaxadda leh ee ay fatahaaddu ku yeelatay dadka deegaanka. Mid ka mid ah cawaaqib xumada ka dhalan karta fatahaadda ayaa ah in ay go’aan sahayda, taasoo ka muuqata gabaabsiga badeecadaha muhiimka ah ee Gaarisa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed