Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasin Salaad oo war culuska soo saaray dagaalka Al shabaab

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasin  Salaad ayaa taageeray dagaalka ka dhanka aah Al shabaab ee ka soconaya dalka, waxaa uu ka dhawaajiyay in la taageero dadaalka uu wado madaxweynaha talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana loo baahan yahay in loo midoobo soo afjarida Shabaab ee Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa uu ka dhawaajiyay dhibaatada ay Al shabaab dalka ku hayaan in ay tahay mid aanan loo dul qaadan karin,  sidoo kale waxaa uu ugu baaqay dagaalyahannada Al shabaab  in ay dagaalka joojiyaan, oo ay ka fogaadaan daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed, sida uu ku sheegay hadalkiisa.

Cabdiqaasin Salaad ayaa dhammaan Shacabka ugu baaqay in ay noqdaan kuwa isku duuban oo kaalin weyn a qaata howlagallada lagu ciribtiraayo jiritaanka Al shabaab guud ahaan dalka, waxaa uu bogaadiyay ciidamada dowladda, asaga oo la wadaagay in ay sii waddaan dagaalka inta Al shabaab laga saarayo.

Halkaan ka daawo muuqaalka madaxweynaha:

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed