Madaxweynihii hore ee Puntland oo soo saaray digniin culus iyo baaq ku saabsan khilaafka doorashada maamulkaas

Madaxweynihii hore ee Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa digniin adag ka bixiyay cawaaqibka ka dhalan kara khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Deni iyo Madaxda Mucaaradka ee maamulkaasi. Gaas ayaa walaac ka muujiyay jadwalka doorashada ee dhawaan ay soo jeediyeen madaxda mucaaradka, isagoo u arkay inay tahay arrin halis ah oo wax u dhimi karta midnimada iyo nabadda Puntland.

Codsiga dib-u-heshiisiinta, Gaas ayaa ugu baaqay Madaxweyne Deni iyo mucaaradka inay wada hadal wax ku ool ah la galaan, isla markaana go’aan laga gaaro hannaanka doorashada. Waxa uu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in laga hortago khilaafyo siyaasadeed iyo rabshado ka dhalan kara khilaafka hadda taagan.

“Waxaan ku talinayaa in caqligu shaqeeyo, madaxduna ay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo nabadda dhowr milyan oo qof oo ku nool Puntland, lagana hortago xasillooni darrada ka jirta deegaanka,” ayuu ku boorriyay Cabdiweli Gaas.

Isagoo si gaar ah u iftiimiyay doorka muhiimka ah ee Madaxweyne Deni uu ku leeyahay geeddi-socodkan, wuxuu caddeeyay in mas’uuliyadda ugu weyn ay saaran tahay hoggaamiyaha si loo xaqiijiyo in doorashadu ku qabsoonto waqtigeeda oo nabad ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la tixgeliyo rabitaanka shacabka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed