Madaxweynihii hore ee Maraykanka Brack Obama si ka duwan Joe Biden uga hadlay dagaalka marinka Qaza kaas oo sheegay sababta dhalisay xiisada

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Brack Obama ayaa miisaamay dagaalka ay Israa’iil ku hayso Qaza, isagoo Isniintii soo saaray bayaan uu ku taageeray Israa’iil, sidoo kalana ka hor yimid duqeyn lagu hayo shacabka Falastiinb “xaq ayey u leedahay inay is difaacdo Isaraa’iil”, isagoo sidoo kale uga digay Israa’iil iyo Maraykanka inay iska indhatiraan dhibaatada Falastiiniyiinta.

Bayaanka, oo lagu daabacay Medium, kama foga mowqifka maamulka Biden ee uu hadda ku taageerayo ficillada Israel ee Gaza, laakiin wuxuu sameeyaa farqi weyn, ” xitaa sida aan u taageerno Israa’iil, waa inaan sidoo kale caddaynaa in sida Israa’iil ay u dhaawaceyso dagaalka ka dhanka ah arrimaha Xamaas,” ayuu yiri Obama.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in dhexdhexaadinta colaadda hadda jirta ay la macno tahay “in laga hortago aflagaadada ka dhanka ah dadka Gaza, ama la yareeyo dhibaatada Falastiin – ha noqoto Gaza ama Daanta Galbeed “.

Obama ayaa sidoo kale ka hadlay qaar ka mid ah sababaha keenay iskahorimaadka Israel iyo Falastiin, oo ay ku jirto barakicinta joogtada ah ee Falastiiniyiinta tan iyo markii la abuuray Israiill 1948-kii.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Brack Obama ayaa noqonaya masuul nuucaan ah oo si muuqato uga hor yimid xasuuqa joogtada ah ee maamulka Israa’iil ay ku hayaan dadka aan waxbo galabsan ee 3 isbuuc ay ku socoto duqeynta aanan loo meel dayin.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed