Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeele oo xil muhiim ah looga magacaabay urur goboleedka IGAD

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare sidoo kalana kamid ahay lataliyaasha madaxweynaha Soomaaliya, ayaa loo magacaabay Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD, sida ay shaacisay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys oo xaqiijiyay Magacaabistaan ayaa yiri “waa Guul kale oo diblomaasiyadeed oo u soo hoyatey Dowladda Federaalka Soomaaliya. Magacaabistiisa Waare waxay sare u qaadeysa sumcadda iyo maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay gobolka iyo guud ahaan caalamka’.

Waare ayaa horay u ahay Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsanaa Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada, balse haatan waxaa uu kamid noqday howlwadeennada urur goboleed IGAD.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed