Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka dibaddisa maxuuse yahay ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha dowladda  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta safar ugu ambabaxay magaalada Asmara ee dalka Eretariya, halkaas oo kulan kulan yeelan dooo dhiggiisa dalkaas.

Ujeedka safarkiisa ee dalka Eretariya ayaa lagu sheegay in uu salka ku hayo  adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadida iskaashiga amniga, si loogu midoobo nabad galyada gobolka iyo wadashaqeynta ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ayaa shalay yimid caasimadda kaas oo maanta aadday dalka Eretariya, madaxtooyada ayaa sheegtay in howlgalladii dagaalka loo xilsaaray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor, sidoo kale warka ka yimid Villa Soomaaliya ayaa intaas ku daraya in dardar gelinta dagaalka uu ka sii socon doono deegaannada maamulka Galmudug.

Waxaa xusid mudan in ciidamo kala duwan uu tababar ugu socdo dalka Eretariya, kuwaas oo siyaabo kala duwan looga qaaday magaalada Muqdisho, waxana lagu wadaa in madaxweynuhu uu booqan doono goobaha lagu tababarayao.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed