Madaxweyne Xasan Sheekh oo Odayaasha dhaqanka Galmudug kala hadlay dagaalka AS

Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa kala hadlay sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dagaalka lagaga xoreynayo  Alshabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Galmudug, iyo sidii ay u muujin lahaayeen doorkooda ku aaddan nabad galyada goobolka guud ahaan.
Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in odayaasha dhaqanka Galmudug ay laf dhabar u yihiin qorshaha howgallada dalka looga saaraayo Ururka Al shabaab, isagoo ku adkeeyey in ay hormuud u noqdaan abaabulka bulshada, wacyagelinta, hoggaaminta iyo garab istaagga Ciidama Qalabka Sida.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in caqabadda ugu weyn ee haysata Galmudug ay tahay Al shabaab, si looga adkaadana loo baahan yahay in odayaasha Dhaqanku ay horseed u noqdaan midnimada shacabka, taageridda dowladda iyo in ay door weyn ka qaatan ku gacansiinta Ciidanka Qaranka in ay dalka ka sifeeyaan  wax uu ugu yeeray argagixisada.
Dhankooda, odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa ballan qaaday in ay Madaxweynaha ku garab istaagayaan sidii looga mira dhalin lahaa Soomaaliya xor ka ah argagixisada, waxa ayna sheegeen muhiimadda ay bulshada Galmudug u leedahay nabadda iyo wadajirka dhexdooda ah.
Si kastaba, Xasan Sheekh ayaa Galmudug u tagay in uu ka hago saldhigna ka dhigto dagaalka Al shabaab, waxana socdo abbaabul xooggan oo ka dhan ah Al shabaab.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed