Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada, ayaa mar kale ka dhawaajiyay inuu ka soo horjeedo heshiiskii ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland. Heshiiska ayaa ahaa mid muran badan dhaliyay, iyadoo madaxweyne xasan Sheekh uu sheegay in Somaliland aysan gorgortan ka geli karin, bixinta dhulka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay deris wanaaga, isagoo ku baaqay in nabad kuwada noolaanshaha iyo iskaashiga danaha labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Inkastoo uu qiray baahida loo qabo xiriir saaxiibtinimo, wuxuu si adag u diiday fikradda ah in dhulka Soomaalida lagu beddelo saamiyo dhaqaale ee Itoobiya, sida diyaaradda Itoobiya iyo biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD).
Isagoo la hadlayay madaxda Itoobiya ayuu madaxweyne Maxamuud ku eedeeyay “in ay marin habaabiyeen dadkooda, gaar ahaan in ay aaminsan yihiin in horumarka Itoobiya uu ku xiran yahay in ay helaan bad”. Waxa uu si kulul u sheegay in Soomaaliya aysan aqbali doonin in dhul lagu midoobo, waxa uuna ku baaqay in aan la isku dayin in dhul xoog lagu qabsado.
Halka Itoobiya iyo Somaliland ay difaacayeen heshiiska, mawqifka aan tanaasulka lahayn ee Madaxweyne Maxamuud waxa uu ka tarjumayaa qalafsanaanta taariikhiga ah ee qotoda dheer iyo muranka dhuleed ee Geeska Afrika. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u mahadceliyey hay’adaha caalamiga ah iyo dalalkii taageeray mowqifka Soomaaliya, isagoo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay isbaheysiga taariikhiga ah.
HBN NEWS DESK